Thursday, September 4, 2014

Cadami oo xingalool kusii jeeda !!!!!!!


 Shirkii Gobolka Sanaag ka socday Gaar ahaan Xingalool ee Guuleed 2 ayaa soo  xidhmaya Maalinta Sabtida ah 06-2014 sida Gudoonka Shirku sheegeen

Shirkaasi oo ahaa mid dhaqan waxa aad uga hadlay Somaliland oo wel wel xoogan ka qabtay Go'aamada ka soo baxi Kara Shirkaasi'waxana dhowr jeer ka hadlay Wasiirka Kaluumaysiga ee Somaliland Cali Buureed' Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali'Maanta waxa Magaalada Ceerigaabo Soo Gaadhay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axme Xaaji Cadami iyo Wasiiro Dowlaha Xanaanada Xoolaha C/raxmaan Jaamac Cabdalla

Cadami ayaa sheegay inuu ka qayb Galindoona Shirka dhaqan ee G/Sanaag' isaga oo xusay inay Bilowgii Shirkaasi la socdeen

Xidhiidh aan la samaynay Magaalada Xingalool waxa la sheegay in aanu Booqankarin Xingalool oo Guddi loo Saaray Wasiirka Arintaasi kala hadasha Madaama ay keeni karto Xasaasiyad

Ilaa haatan lama Yaqaan sida xaal noqondoono waxana socda Kulamo Gooni Gooni ah oo looga soo Horjeedo imaatinka Waftiga Wasiirka

Maamulka PL ayaan ilaa haatan ka hadlin Booqashada Cadami iyo Fara Galinta Gobolka"Maamulka Cusub ee PL

Puntland Way ka Gaabsatay inay fara Galiso Shirkaasi mana Jirto ilaa haatan wax Siyaasi ah oo PL Shirkaasi uga Qayb Galay Madaama Shirku ahaa mid dhaqan



xigasho Radio Sanaag 

Cabdi qani  Xaamud
Allow tubta Toosan 

Thursday, August 28, 2014

Soomaali land oo digniin u dirtay Guuleedka Xingalool



Maamulka ka dhisan Hargaysa ayaa baaq kii u danbeeyey ah u dirtay Odayaasha ku shirsan Degmada Xingaloo iyagoo ku sababeeyey in hadii shirka looga hadli waayo wax dan u ah Qadiyada Gooni isutaaga Hargaysa Ay reer Xingalool Maridoona Wadadii reer Saaxdheer oo Ah Barikicin iyo Baabi'n .

Hadalkan ayaa kusoo aaday wax yar uun kadib markii ayaa magaalada saaxdheer Gacanta u gashay Jabhada Hargaysa ee SNM iyo laba maalin kabacdi markii Wasiirka goolaaftanka ee SNM ee MR cadami uu sheegay in shirka xingalool yahay mid dhaqan .

hadaba reer xingalool ma aqabali doonaan shuurada SNM mise 

farbaa u taagan mase isu diyaarin doonaan ina ka biyadiidaan Sheegashada SNMta mise saamaa qaads ayey u noqon doonaan ???????? 

suaalahaas oo dhan iyo kuwa kale oo badan waxaynu jaawaabahooda kusugi doonaa Shirka maanta xingalool ka furmay ?
HALKAN KA AKHRISO WARKA SAAXDHEER

C/qani xaamud
Allow tuba toosan .

Sunday, August 24, 2014

Garaad Cali Ciid oo ka booday Guuleedka xingalool


-
Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa ka hadlay shir beleed la yiraahdo Guuleed oo la doonayo in lagu qabto gobolka Sanaag.

Garaad Cabdullaahi oo waraysi siiyey idaacadda Daljir ayaa sheegay in shirakaas uu yahay mid la iska mala awaalay oo aysan waxba ka jirin, isla markasna aysan wada ogayn cuqaasha gobolka.

shir walba waxaa diyaaraasha isimada beelaha gobolka oo leh shir gudoonka oo ah Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Annaguna waxba kama ogin shirkaan.” Ayuu yiri Garaad Cabdullaahi Cali Ciid.

Wuxuu sheegay in shirkaas uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay.
Suldaanka guud ee beesha Warsangeli ayaa dhowaan shaaca ka rogay shir la yiraahdo Guuleed in lagu qaban doono gobolkaas, balse Garaad Cabdullaahi Cali ciid wuxuu ku sheegay waraysiga uu siiyey Daljir in ay shirkaas isku mawqif ka yihiin isaga iyo Suldaanku.

Xigasho DALJIR 

Saturday, August 23, 2014

Guuleed2 feyte Muxuu Ka yidhi


Shirka guuleed ee Qaban qaabadiisu ka socoto Degmada xingalool ee gobolka Sanaag waxaa u weel qaaday Suldaan siciid  waxaana loogu yeedhay shirka Turxaan bixinta beelweynta degta Gobolka Sanaag,

Shirka oo sida la sheegay ka madax banaan siyaasad  ayaa Taageero ka helay bulshada Sanaag walool aya qaybo Muhiim ah ayna weli ogolaan .

isimada waa weyn ee beeshaas weli  laguma dhax Arkin Madasha shirka oo la sheegayo inuu furmidoono Maalmahan In kastoo Suldaan Siciid oo saamayntiisa leh madasha ku suganyahay .

isimada kamaqan Madasha saa warka ku hayo waxaa kamid ah

Suldan maxamed C/laahi Cartan .............. dhahar

Suldan Axmed Suldan bashiir ......... Yubbe 

Garaad C/laahi Cali ciid .............. Xingalool 

Ugaas maakhir ......................... lasqoray

Suldan Xasan Cali   ........... hadaaftimo 

Waloow ay inta badan Nabadoonada beeluhu ay ku sugan yihiin Madasha hadana waxaa muuqata in weli ay dad miisan iyo magaca ku dhex leh bulshada ay kamaqan yihiin .

Hadaba Shirkani laba dhinac waa kee

 Dhamaystir mise Dhantaalid

Waxtar mise Waxyeelo

Turxaan bixin mise Kale Tag
Qormada Feyte Ila Dhuux

Allow Tubta Toosan Na waafaji
Cabdiqani xaamud