Sunday, August 24, 2014
Garaad Cali Ciid oo ka booday Guuleedka xingalool
-
Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa ka hadlay shir beleed la yiraahdo Guuleed oo la doonayo in lagu qabto gobolka Sanaag.
Garaad Cabdullaahi oo waraysi siiyey idaacadda Daljir ayaa sheegay in shirakaas uu yahay mid la iska mala awaalay oo aysan waxba ka jirin, isla markasna aysan wada ogayn cuqaasha gobolka.
“shir walba waxaa diyaaraasha isimada beelaha gobolka oo leh shir gudoonka oo ah Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Annaguna waxba kama ogin shirkaan.” Ayuu yiri Garaad Cabdullaahi Cali Ciid.
Wuxuu sheegay in shirkaas uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay.
Suldaanka guud ee beesha Warsangeli ayaa dhowaan shaaca ka rogay shir la yiraahdo Guuleed in lagu qaban doono gobolkaas, balse Garaad Cabdullaahi Cali ciid wuxuu ku sheegay waraysiga uu siiyey Daljir in ay shirkaas isku mawqif ka yihiin isaga iyo Suldaanku.
Xigasho DALJIR
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment