Thursday, August 28, 2014
Soomaali land oo digniin u dirtay Guuleedka Xingalool
Maamulka ka dhisan Hargaysa ayaa baaq kii u danbeeyey ah u dirtay Odayaasha ku shirsan Degmada Xingaloo iyagoo ku sababeeyey in hadii shirka looga hadli waayo wax dan u ah Qadiyada Gooni isutaaga Hargaysa Ay reer Xingalool Maridoona Wadadii reer Saaxdheer oo Ah Barikicin iyo Baabi'n .
Hadalkan ayaa kusoo aaday wax yar uun kadib markii ayaa magaalada saaxdheer Gacanta u gashay Jabhada Hargaysa ee SNM iyo laba maalin kabacdi markii Wasiirka goolaaftanka ee SNM ee MR cadami uu sheegay in shirka xingalool yahay mid dhaqan .
hadaba reer xingalool ma aqabali doonaan shuurada SNM mise
farbaa u taagan mase isu diyaarin doonaan ina ka biyadiidaan Sheegashada SNMta mise saamaa qaads ayey u noqon doonaan ????????
suaalahaas oo dhan iyo kuwa kale oo badan waxaynu jaawaabahooda kusugi doonaa Shirka maanta xingalool ka furmay ?
HALKAN KA AKHRISO WARKA SAAXDHEER
C/qani xaamud
Allow tuba toosan .
Sunday, August 24, 2014
Garaad Cali Ciid oo ka booday Guuleedka xingalool
-
Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa ka hadlay shir beleed la yiraahdo Guuleed oo la doonayo in lagu qabto gobolka Sanaag.
Garaad Cabdullaahi oo waraysi siiyey idaacadda Daljir ayaa sheegay in shirakaas uu yahay mid la iska mala awaalay oo aysan waxba ka jirin, isla markasna aysan wada ogayn cuqaasha gobolka.
“shir walba waxaa diyaaraasha isimada beelaha gobolka oo leh shir gudoonka oo ah Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Annaguna waxba kama ogin shirkaan.” Ayuu yiri Garaad Cabdullaahi Cali Ciid.
Wuxuu sheegay in shirkaas uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay.
Suldaanka guud ee beesha Warsangeli ayaa dhowaan shaaca ka rogay shir la yiraahdo Guuleed in lagu qaban doono gobolkaas, balse Garaad Cabdullaahi Cali ciid wuxuu ku sheegay waraysiga uu siiyey Daljir in ay shirkaas isku mawqif ka yihiin isaga iyo Suldaanku.
Xigasho DALJIR
Saturday, August 23, 2014
Guuleed2 feyte Muxuu Ka yidhi
Shirka guuleed ee Qaban qaabadiisu ka socoto Degmada xingalool ee gobolka Sanaag waxaa u weel qaaday Suldaan siciid waxaana loogu yeedhay shirka Turxaan bixinta beelweynta degta Gobolka Sanaag,
Shirka oo sida la sheegay ka madax banaan siyaasad ayaa Taageero ka helay bulshada Sanaag walool aya qaybo Muhiim ah ayna weli ogolaan .
isimada waa weyn ee beeshaas weli laguma dhax Arkin Madasha shirka oo la sheegayo inuu furmidoono Maalmahan In kastoo Suldaan Siciid oo saamayntiisa leh madasha ku suganyahay .
isimada kamaqan Madasha saa warka ku hayo waxaa kamid ah
Suldan maxamed C/laahi Cartan .............. dhahar
Suldan Axmed Suldan bashiir ......... Yubbe
Garaad C/laahi Cali ciid .............. Xingalool
Ugaas maakhir ......................... lasqoray
Suldan Xasan Cali ........... hadaaftimo
Waloow ay inta badan Nabadoonada beeluhu ay ku sugan yihiin Madasha hadana waxaa muuqata in weli ay dad miisan iyo magaca ku dhex leh bulshada ay kamaqan yihiin .
Hadaba Shirkani laba dhinac waa kee
Dhamaystir mise Dhantaalid
Waxtar mise Waxyeelo
Turxaan bixin mise Kale Tag
Qormada Feyte Ila Dhuux
Allow Tubta Toosan Na waafaji
Cabdiqani xaamud
Subscribe to:
Comments (Atom)


